Kormeer Masuuliyiinta Wasaaradu ku Sameeyeen Gobolada Togdheer iyo Saraar

(13. January. 2018) – Wasiirka wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Boos oo ay wehelinayaan agaasimaha guud Mr. Maxamed Xuseen Dhabeeye, Agaasimaha waaxda ciyaaraha Mr. Maxamed Nuux Jibriil iyo masuuliyiin ka tirsan xidhiidhka kubada cagta Somaliland ayaa ku tagay kormeer ay ugu kuur-galayaan xaaladdaha ay ku sugan yihiin garoomadda kubadda cagta ee Allamzey Stadium Burco iyo garoonka kubada cagta ee Caynabo , kuwaas oo isla sannadkan dayac-tiro balaadhan lagu sameyn doono halka garoomadda Ceerigaabo, Burco iyo Berberana la dhiggi doono doogga sanaaciga ah. Waxaanay warbixino kaga dhagaysteen masuuliyiinta gobolka gaar ahaan gudoomiyaha gobolka Mr. Ramaax iyo sidoo kale masuuliyiinta wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee goboladaasi, kuwaas oo ka waramay xaalada ay ku sugan yihiin garoomadaasi iyo sida ay muhiim u tahay in la dayactiro
garoomada isla markaana la dhigo roogaga dooga ah, arintaas oo ay ku sheegeen inay qayb laxaad leh ka qaadanayso tayada ciyaaraha iyo ciyaartoygaba.