Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada fiyo Ciyaaraha oo Kulamo la Yeeshay Dhigiisa Dalka Djibouti iyo Madaxda Olombikada Djiboiti

(1-2, Afpril, 2018)- Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed oo ay wehelinayaan Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Mr. Mustafe Cabdi Xadi, La Taliyaha Wasiirka ee arimaha Ciyaaraha iyo Garoomada Mr. Xasan Maxamed Cabdalla (Xasan Waraabe Cade) iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Djibouti Mr. Cabdifataax ayaa la kulmay Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha dalka Djiboiti Mudane Xasan iyo Gudoomiyaha Olombikada ee dalkaasi Mrs, Caasha Cuud.
Kulamadan oo ka kala qabsoomay xafiisyada labada masuul ee ay wasiirka iyo wafdigiisu la kulmeen ayaa labada dhinac kaga wada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen arimaha ciyaaraha maadaama dadka labada dal dhaqan, luqad iyo diinba ay wadaagaan,
Wasiir Boos ayaa dhinaciisa uga mahadceliyay sidii diiranayd ee loogu soo dhaweeyay dalka Djibouti iyo marit qaadka ay u fidiyeen, waxa kale oo uu sheegay inay ku faraxsan yihiin kaalmaha ay galeen orodyahanada Somaliland. Waxa kale oo uu u gudbiyay
masuuliyiinta uu la kulmay sidii ay gacan u siin lahaayeen dhinaca ciyaaraha Somaliland, marka laga eego dhinaca aqabka ciyaaraha, tababarada iyo xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha caalamka, kuwa qaarada Afrika iyo kuwa gobolkaba sidii ay Somaliland ugu mid noqon lahayd.
Wasiirka ciyaaraha dalka Djibouti iyo Gudoomiyaha Olombikada Djibouti waxa uu mid waliba gaarkiisa u balan qaaday inay gacan siin doonaan ciyaaraha Somaliland, horena ay gacan u siiyeen, waxaanay ka garaabeen dalabka wasiirka, iyaga oo sheegay inay sida ugu dhakhsaha badan uga soo jawaabi doonaan