Furitaanka iyo Xadhig ka Jarida Garoonka Kubada Cagta iyo Ciyaaraha Fudud ee Cabdi Bile Stadium ee Magaalada Laascaanood.

(12. January. 2018) – Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed ayaa xadhiga ka jaray isla mar ahaantaana furay garoonka kubada cagta ee Cabdi Bile Stadium ee magaalada Laascaanood, garoonkan oo xukuumadii Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ay dhistay isla markaana la dhigay rooga dooga ah ee casriga ah ayaa xaflada xadhig ka jarida iyo furitaanka waxa wasiirka ku wehelinayay xubno ka mid ah masuuliyiinta wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo uu ugu horeeyo agaasimaha uud ee Wasaarada Mr. Maxamed Xuseen Dhabeeye, agaasimaha waaxda ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil, xoghayaha xidhiidhka kubada cagta Samatar Maxamed Cabdillaahi, Isuduwaha wasaarada ee gobolka Sool Fu`aad waxa kale oo goob jog ahaa isla markaana ka qayb galay xaflada furitaanka orodyankii hore Mr. Cabdi Bile Cabdi oo ah qofka loogu magac daray garoonka kaas oo uga yimid munaasibada qaarada Amerika iyo Cabdiwaaxid