Horumarinta Dhalinyarada Somaliland

(20,02,2018) – Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa abuuray sanduuqa horumarinta dhalinyarada isla markaana u furay sanduuq xisaaabeed (account) u gaar ah, kuna shubay lacag dhan 2,000,000,000 oo SLSH ah oo u dhiganta $ 200,000 oo dollar.
Madaxwaynaha ayaa arintan kaga dhawaaqay shirkii maalinta dhalinyarada Somaliland ee ka qabsoomay magaalada Hargeysa, isaga oo madaxwaynuhu sheegay inay jiraan duruufo balaadhan oo ku gedaaman dhalinyarada sida tahriibta, shaqo la`aanta, balwadaha, cudurada faafa iyo qaar kale. Waxaanu madaxwaynuhu raaciyay inay duruufahaas qaarkood ay yihiin kuwo ay dhalinyaradu gacmahooda ku doonteen sida kuwii ardayda ahaa oo waalidkood ku khasbaya telephono nooca loo yaqaan smart phone oo qaali ah halka waalidkii ay la tacaalayaan dhaqaalihii ay isaga iyo qoyskaba ku quudin lahaayeen.
Sanduuqan ayaa noqon doona mid lagu ururiyo dhamaan dhaqaalaha ku baxay horumarinta dhalinyarada Somaliland iyada oo dawladu tahay cida ugu horaysa ee ku shubtay wixii kharash ah ee ay ugu talo gashay, sidoo kale qaadhaan bixiyayaaasha ayaa laga filayaa iyaguna inay kharashka ay ugu talo galeen horumarinta dhalinyarada in halkaa ay ku shubaan.
Dhamaan kharashaadka sanduuqa ayaa noqonaya kuwo wax lagaga qabto baahiyaha kala duwan ee jira ee ku gedaaman dhalinyarada Somaliland, iyada oo sanduuqa ay maamuli doonaan sida la filayo gudi ka kooban xukuumada, ururada bulshada, ururada dhalinyarada, ururada haweenka, culimada, aqoonyahanka iwm.