Xidhiidhka Chesta (Shaxda) oo ka qayb galay shirka Xidhiidhada Chesta ee Afrika kaas oo ka dhacay dalka Tunisia

(19-23. January. 2018) – Gudoomiye ku xigeenka Xidhiidhka Shaxda (chest) Mr. Farxaan Xuseen X. Cali ayaa ka qayb galay shirkii xidhiidhada shaxda Africa oo ku qabsoomay dalka Tunisa, shirkan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan dalalka Afrika ee xubinta ka ah Xidhiidhka Chesta ee Afrika. Waxay ahayd markii ugu horaysay ee Xidhiidhka Chesta Somaliland ka qayb galo shirkan, iyada oo ajandaha shirka lagaga wada hadlay sidii loo aqoonsan lahaa xidhiidhka chesta Somaliland, balse markii dambe waxa la siiyay inay ahaadaan xubin aan cod lahayd balse doodaha wax ku darsan kara mudo ku meel gaadh ah, maadaama ay ka hor yimaadeen xidhiidhka chesta Somalia.

Gudoomiye ku xigeenka Xidhiidhka Chesta ayaa mudadii shirku socday la siiyay fursad uu ku sharaxo waxyaabaha u qabsoomay iyo aasaaska iyo jiritaanka xidhiidhka chesta Somaliland, waxaanu si qoto dheer u faahfaahiyay kala duwanaanshaha Somaliland iyo Somalia iyo xaalada dhabta ah ee keentay in dadwaynaha Somaliland ka noqdaan midawgii Somalia iyo kala duwanaanshaha xaalada ay labada dal hada ku sugan yihiin oo kala ah Somaliland oo ah dal nabdoon isla markaana doorashooyin dimoqraadiyi ah ka dhacaan haday tahay doorashada Madaxtooyada, Baarlamaanka iyogolaha deegaankaba iyo sidoo kale dalka Somalia oo ah meelo dagaalo sokeeye hadheeyeen isaga oo sheegay inuu u rajaynayo inay nabada ka shaqeeyaan. Waxa kale oo uu ka warbixiyay dhismaha iyo jiritaanka xidhiidhka chesta Somaliland iyo mudadii ay jireen waxyaabihii u qabsoomay oo noqday wax ay aad ula yaabaan dalalkii shirkaasi ka soo qayb galay oo aanay filayn.