Xuska Maalinta Dhalinyarada iyo Shirwaynaha Dhalinyarada Somaliland

(20,02,2018)- Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa furay shirwaynaha dhalinyarada oo lugu xusayay maalinta dhalinyarada Somaliland
20th, February, 2018, shirkan oo ay madaxwaynaha ku wehelinayeen Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mre Maxamed (Boos), Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Mudane Faratoon, Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Marwo Hinda, waxaanu madaxwaynuhu ka jeediyay khudbad ay ku diirsadeen dhalinyarada Somaliland oo ay ku xardhanayd horumarka xukuumadiisu doonayso inay ka qabato arimaha dhalinyarada. Madaxwaynaha ayaa u balanqaaday dhalinyarada Somaliland arimo door ah, kuwaas oo ah dhaxal gal waxaana ka mid ahaa: in xukuumadu abuurtay sanduuqii horumarinta dhalinyarada isla markaana madaxwaynuhu ku shubay lacag xadigeedu yahay 2,000,000,000 (laba bilyan oo shilin) oo u dhiganta $ 200,000 kuwaas oo ah lacagtii ugu horaysay ee sanduuqa lagu shubo, waxa kale oo uu madaxwaynuhu balan qaaday in dhalinyarada ka baxda dugsiga sare ay gali doonaan shaqo qaran, taas oo xukuumadu abuurtay sanduuq lagu shubi doono Xuska maailinta loo asteeyay dhalinyarada Somaliland ayaa ka qabsoomay magaalada Hargeysa iyo dhamaan xarumaha shanta gobol ee waawayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *