Kulamo ku saabsan Qabsoomida Munaasibada Xuska Maalinta Dhalinyarada Somaliland

(18. January. 2018) – Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha oo gudanaysa waajibaadka ka saran xuska maalinta dhalinyarada Somaliland ee 20th February sida ku xusan magacaabista Madaxwayne Siilaanyo u magacaabay maalintaasi inay ahaato maalinta dhalinyarada Somaliland ayaa waxay kulamo la yeelatay daneeyayaasha arintaasi sida tooska ah u khusayso ee ku leh kaalin muhiim ah oo kala ah UFFO oo ah dadkii 20th, February 1982 la xidhay iyo dalada dhalinyarada ee SONYO, Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed ayaa kulan kula yeeshay xafiiskiisa 22, 01.2018 xubno ka tirsan UFFO kuwaan oo ay ka wada hadleen suurtogalnimada qabashada xuska maalinta dhalinyarada oo wakhtigii hore ahaan jirtay xuska maalintii dhagax tuurka. Wasiirka oo ay kulanka ku wehelinayeen masuuliyiinta wasaarada oo uu ugu horeeyo agaasimaha guud ee wasaarada Maxamed Xuseen dhabeeye iyo agaasimayaasha waaxyaha dhalinyarada iyo qorshaynta ayaa waxa lagaga wada hadlay sida ugu haboon ee loo qabanayo iyada oo la isla qaatay in shirwayne dhalinyarada ah la qabto kaas oo gobolada dalka laga soo casuumayo dhalinyaro si dhalinyaradu isugu waydaarsato xog ku saabsan qabadaha dhalinyarada hor taagan oo ay ka mid yihiin tahriibta, shaqo la`aanta balwadaha iwm.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *