Tababaraha Heer Caalami ee Jaamac Karaaciin oo Tababar Tayadiisu Sarayso Siiyay Orodyahanada Heerka 1aad ee Dalka

(04. January. 2018) – Tababaraha heer caalami (International Athletics Coach) Mr. Jaamac Karaaciin oo u dhashay dalka Somaliland ayaa tababar tayadiisu sarayso siiyay orodyahanada heerka 1aad ee dalka, tababarkan oo ahaa mid xirfadiisu sarayso ayaa ah mid sare u qaadaysa tayada orodyahanada heerka
1aad ee dalka waana mid keenaysa in la helo orodyahano dalka u dhashay oo ka qayb geli kara tartamada caalamiga ah ee orodada.

Tababarkan oo ay soo qabanqaabiyeen xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland ayaa ujeedadiisu waxay tahay in la tayeeyo tayada orodyahanada dalka iyo dhiirigelinta ciyaaraha fudud oo ka mid ah ciyaaraha dadkeenu hibada u leeyihiin iyo ciyaaraha ugu qiimaha badan ciyaaraha dunida laga ciyaaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *