Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ka Qayb Galay Xaflad lagu soo Bandhigay Xirfadaha Shaqo ee u Muhiimka ah Dhalinyarada

(06,02,2018)- Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ka qayb galay xaflad lagu soo bandhigay xirfado shaqo abuur oo muhiim u ah dhalinyarada, xirfadahaas oo ay ka mid yihiin Digital Print Production and Digital Video Production ayaa waxa hal abuurka arintan lahaa urur lagu magacaabo SAMA oo ay ku midoobeen aqoonyahano aqoon u leh xirfadahaasi.

Wasiirka ayaa sheegay inay arintani muhiim tahay isla markaan loo baahan yahay sidii loo hirgelin lahaa, iyada oo wasaarad ahaan uu yidhi masuuliyad gaar ah ayaanu iska saari doonaa sidii loo fulin lahaa arintaasi.