Tartanka degmooyinka caasimadda hargeysa ayaa si rasmi ah uga furmay garoonka weyn ee hargeisa Stadium.

Xulka Degmada Axmed Dhagax Ayaa 5-2 Uga Soo Badisay Xulka Degmada Gacan Libaax Tartanka Degmooyinka Caasimada Hargeysa Ee Astaan Cable Ka Daah Furtay Hargeysa Stadium Magaalada Hargeysa.

Qaybta Hore Ayaa Xulka Degmada Axmed Dhagax Awooday Inuu Ku Hogaamiyo Natiijo 2-0 ah Oo Iyadoo Qaybta Hore Ku Soo Idlaatay Sidaa Waxaana u Kala Dhaliyey Maxamed Xaamo Iyo Cabdiraxmaan Takar.

Qaybta Danbe Ayaa Xulka Degmada Axmed Dhagax Hadana Laba Awooday Goolasha Sadexda ah Waxaana u Kala Dhaliyey Mar Kale 2-Gool Maxamed Xaamo ah Iyo 1-Gool Oo Maxamed Doox ah.

Balse Dhinaca Kale Xulka Degmada Gacan Libaax Ayaa 2-Gool Ee uu Kulankan Ku Dhaliyey Waxaa u Kala Dhaliyey Saleebaan Cabdi Aadan Iyo Abshir Xasan Maxamed.

Si Kastaba Xulka Degmada Axmed Dhagax Ayaa 5-2 Uga Soo Badiyey Xulka Degmada Gacan Libaax Tartanka Degmooyinka Caasimada Hargeysa Ee Astaan Cable Ka Daah Furtay Hargeysa Stadium Magaalada Hargeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *