WASIIRKA WDH&CIYAARAHA AYAA KA QEYBGALAY ABAALMARINTA SHAQAALAHA WASAARADDA GAADIIDKA.

Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Md. Boos Mire Maxamed iyo madax kale oo kala duwan, ayaa maanta ka qaybgalay xaflad lagu abaal-marinaayey shaqaalihii ugu fiicnaa Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka JSL================================

Wasiir-ku waxaa uu halkaasi ku amaanay shaqaale-Weynaha wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka sida xilkasnimada leh Ee hawlkarnimada ku dheehan tahay ay u gudanayaan shaqada qaranka,sidoo kale wasiir-ku wuxuu kula dardaarmay inay qarankooda ushaqeeyaan meel kasta oo ay joogaan, Kuna dadaalaan inay kor uqaadaan magaca qaranka Somaliland===================

Sidoo kale wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaruhu md. Boos Mire Maxamed wuxuu halkaasi ammaan farabadan usoo jeediyey madaxda kala duwan Ee wasaaradaasi Ee ay hogaaminayaan Wasiir-ka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdillaahi Abokor, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Md. Cumar Sayid=====================

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *