Wasiirka WDH&Ciyaaraha Boos Mire Maxamed ayaa Xilka ukala wareejiyey Dallada Sonyo………

Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Mudane. Boos Mire Maxamed ayaa ka qeyb-galay xaflad maanta xilka loogu kala wareejinaayey Hogaankii hore ee Dallada Dhalinyaradda Reer Somaliland ku midoobeen Ee Sonyo, iyo hogaanka cusub ee Dallladaasi ayaa maanta lagu qabtay Hotel Maansoor Ee magaalada Hargeysa..

Waxaana kasoo qeyb-galay xubno kamida Golaha wasiirada,hogaanka Xisbiyada Qaranka,Siyaasiyiin, mudan iyo marti-sharaf aad u tiro badan. Ugu horeyntii waxaa madashaasi ka hadlay agaasimaha Fulinta Ee Dallada Sonyo Cabdixamiid Maxamed Cumar waxaanu ugu horeyntii halkaasi kusoo dhaweeyey dhammaanba kasoo qeybgalayaashii madashaasi. sidoo kale wuxuu u mahad-celiyey dhammaanba hay’addaha sida dhow ushaqeeyaan Ee kamidka yihiin OXFORM,SOS,SAVETHECHILDREN.

Waxaa kale oo hadalka Iska daba qaatey masuuliyiin ka kala socday shirkadaha ay wada-shaqaynta leeyihiin Dallada Sonyo, Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale oo xilal hore kasoo qabtay Dalladaasi,waxaanay dhamaantoodba ku bogaadiyeen Dallada Sonyo inay tahay mid waxbadan oo la taaban karo uqabatay Dhalinyaradda Reer somaliland.

Waxaa halkaasi isna ka hadlay Gudoomiyihii hore ee Dallada Sonyo Cabdicasisi Siciid Saalax ayaa waxaa uu ka war-bixiyey muddo xileedkii uu hayey xilkaaasi wixii uqabsoomay iyo wixii qabyada ka ahaa,waxaana uu sheegay inay ka Dallad ahaan kor uqaadeen mashruucii la magac-baxay VOICE OF YOUTH,sidoo kale gudoomiyihii Hore Ee Dallada Sonyo ayaa wuxuu intaasi raaciyey inay adeegyo kala duwan gaadhsiiyeen dhalinyaro gaadhaya 11,250dhalinyarro ah.

Gudoomiyaha Cusub Ee Dallada Sonyo Mudane Cabdicasiis Maxamed Jaamac ayaa isna dhankiisa ka hadlay wuxuu sheegay inuu mudadaasi si Hagar-la,aan ah uwadi-doono shaqadi dhalinyaradda ee Dalladaasi ka wakiilka ahayd.

Ugu Dambeyn waxaa xilka ukala wareejiyey Wasiirka WDH&Ciyaaraha mudane Boos Mire maxamed oo ku bogaadiyey gudoomiyihii hore ee dalladaasi sidii hagar-la,aanta lahayd ee uu uga soo shaqeeyay horumarinta dhalinyaradda Reer Somaliland.sidoo kale wuxuu wasiir-ku halkaasi uga duceeyay gudoomiyaha cusub ee Dallada Sonyo Cabdicasiiis maxamed jaamac inuu xilkaasi ilaahay ku Asturo.waxaanu sidoo kale kula dar-daarmay inuu shaqada Dhalinyaradda uu mudadaasi uhayo si fiican uga soo baxo.

#ALLAA MAHAD LEH

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *