WASIIRKA WDH&CIYAARAHA OO KA QEYB-GALAY AASKA MARXUUM AXMED YAASIIN XAAJI ABU-SITE………..

Hargeysa-28/01/2020-()-Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Mudane Boos Mire Maxamedi, ayaa ka qaybgalay Aas ballaadhan oo xabaalaha Sheekh Cumar ee duleedka Caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site oo xalay geeriyooday.

Wasiirka WDH&Ciyaaraha, ayaa waxa Aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site kala qayb-galay shir-guddoonka golaha wakiillada, hoggaanka axsaabta qaranka, wasiirro, xildhibaanno, ganacsato iyo boqollaal kamid ah mudanta reer Somaliland, kuwaas oo marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, ehelka iyo qaraabadana samir iyo Iimaan u rajeeyey.

Xubno kamid ah madaxda qaranka oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday Xusuusta marxuumka iyo guud ahaanba qoyska reer Abu-site ee uu kasoo jeeday oo taariikh dheer ku leh Somaliland, waxana ay Eebbe uga rajeeyeen inuu jannooyinkiisa ku casuumo.

Wasiirka WDH&Ciyaaraha Mudane Boos Mire Maxamed ayaa isaguna dhankiisa marxuumka ku tilmaamay haldoor ku dayasho mudnaa oo ka baxay bulshada reer Somaliland, islamarkaana safka hore kaga jirey ka qaybqaadashada arrimaha khayriga ah, isaga oo Eebbena uga baryey inuu janneeyo.

Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site, ayaa kamid ahaa dadka caanka ah ee reer Somaliland, isaga oo ka soo jeeday qoys taariikh dheer ku leh ganacsiga iyo arrimaha Khayriga ah ba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *