Wasiirka WDH&Ciyaaraha ayaa maanta ka Qeyb-galay Mashruuc loogu talo galay magaalada Berbera…

Xukuumada Somaliland ayaa magaalada Berbera saaka ka daah-furtey mashruuc ay ku baxayso lacag dhan 7.5 Milyan, kaas oo ah mid loogu talo galay in lagu horumariyo magaaladdaasi, oo uu maalgalinayo Midowga Yurub.Mashruucaasi oo socon doona muddo 3 sano ah .

Waxaana ka Qeyb-galay Madaxweyne Xigeenka somaliland , xubno kamida Golaha wasiirada , saraakiil kasocday midawga yurub iyo maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolkaasi ayaa saaka wadajir uga qeyb galay daah furkaasi.

Madax-Weyne Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismacil Saylici ayaa wuxuu daah-furay mashruucaasi, kaasoo ku tilmaamay inuu yahay mashruucani mid ay muddo badan kasoo shaqaynaayeen Midowga Yurub Iyo Dawladuba sidii looga Hirgelin lahaa Magaalada Berbera.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay madax kala duwan oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka,Wasiirka WDH&Ciyaaraha ayaa dhamaantoodba waxay sheegeen in mashruucani uu uleeyahay ahmiyad weyn Magaalada Berbera kana faaidaysan doonaan mashruucaasi 3sano Ee uu Socon-doono.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Ambassador Necoles Barlenga ayaa wuxuu halkaasi ka sheegay in Maamulka Berbera uu jeexay waddo sahlaysa in la maalgeliyo iyadoo maanka lagu hayo inay ku taalo bogcad istiraatiji ah Midawga Yurubna uu sii wadi Doono inuu Somaliland Kala Shaqayn Doono Horumarinta Dalka, Tanna aanay Noqon doonin Tii ugu Dambeysey Ee ay tahay Bar bilow Fiican.

Maayorka magaalada Berbera Cabdi-Shakuur Cidin ayaa wuxuu isna halkaasi ka sheegay inay soo wadaan ka maamul ahaan mashaarico badan oo ay ku horumarinayaan magaalada Berbera, taasoo kor uqaadi doonta Bilicda Dalka iyo magaaladaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *