Ag/Guud Ee WDH&Ciyaaraha Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi ayaa ka Qeyb-galay Shirweynihii 19-aad Ee Ururka SODRA…….

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland oo furay kal-fadhiga 19aad ee ururka SODRA.

Kal-fadhigii 19aad ee ururka Horumarinta iyo daraasaadka Somaliland ee SODRA ayaa si Rasmi ah ugu furmay magaalada hargaysa
Shirka oo ay ka qaybgalayeen xubnaha Golaha Sare ee ururka SODRA ee gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa waxaa kasoo qaybgaley Agaasimaha guud ee Wasaarada Dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Cabdilaahi Siciid Khaawi,Agaasimaha Waaxda Arrimaha bulshada Wasaarada Shaqogelinta Arrimaha bulshada qoyska Cawaale Maxamed Muuse Cawaale Xoghayaha Ciyaaraha Xisbiga Wadani Yoonis Axmed Yoonis Gudoomiye Kuxigeenka Ahna kusimaha Madaxa Suuqaynta we True Cable TV Sakariye Koosaar Maxamuud
Gudoomiyaha ee ururka SODRA Raxiima Maxamed Axmed Agaasimaha Fullinta ee SODRA Axmed Maxamed Shaqalle
Iimaan Iyo Cabdifataax Mire oo kamid ah Golaha sare ee SODRA ahna Hogaanka hore ee ururka Dhallinyarada kasocotay jaamacada dalka iyo marti sharaf kalla duwan.

Agaasimaha fullinta ee ururka SODRA Axmed Maxamed Shaqalle oo ugu horayn madashaasi kahadley ayaa soo dhaweeyay marti kala duwan kasocda gobolada iyo marti sharafta kalla duwan waxaa xusay in kal-fadhiga 19aad ee ururka oo socon doona mudo laba maalmood ah.
Agaasimaha fullinta ee SODRA waxaa xusay In muddo 9 sano iyo laba bilood oo ururka SODRA jiray in sanadkii laba kal-fadhi uu ururka qabto iyadoo horaanta sanadkana uu hal kal-fadhi uu qabsoomo halka dabayaaqada sanadku uu hal kalfadhi laqabto.
Gudoomiye kuxigeenka ahna kusimaha Gudoomiyaha ururka SODRA Raxiima Maxamed Axmed ayaa xustay in kal-fadhigan lagu dooran doono Gudoomiyaha ururka SODRA oo uu Baneeyay Gudoomiye hore Waxaanay ku dheeraatay waxqabadyadii kalla Duwanaa ee ururka SODRA bulshadiisa u soo qabtay mudadii uu jiray.
Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkada True Cable TV Sakariye Koozaar Maxamuud Ayaa xusay in shirkad ahaan u taagan yihiin dhiirigelinta Dhallinyarada Somaliland.
Maxamed iimaan iyo Cabdifataax Mire Nuur oo katirsan Golaha sare ururka ayaa xusay in ururka SODRA oo yahey mid ay guud ahaan Dhallinyarada Somaliland ku midoobeen iyadoo
doorba latijaabiyo gobol si guud ahaan Dhallinyarada Somaliland isku dhex gasho.

Xoghayaha Ciyaaraha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Yoonis Axmed Yoonis ayaa xusay in xisbi ahaan ay markasta garabtaagan yihiin ururka SODRA oo ah mid mutaxawiciin ah oo Dhallinyarada u adeega.
Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaarada Shaqogelinta Arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland Cawaale Maxamed Muuse Cawaale ayaa sheegay in Wasaarad ahaan ku bogaadinayaan ururka SODRA shaqooyinka kala duwan ee bulshada u yahaan ururka yahey mid u adeega bulshada Somaliland.
Gunaanadkii waxaa si rasmi ah u furay shirkan oo socon doona mudo laba maalmood ah Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Cabdilaahi Siciid Khaawi oo ka marakacay in muddo sanad Ku dhaw oo uu xafiiska joogay in SODRA la socday barnaamijyada kala duwan ee bulshada ugu adeego ay marwalba wasaarad ahaan iyo xukuumad ahaanba ku garab joogaan hiil iyo hooba ayna uga mahadcelinayaa sida wacan ee ay isku xilsaareen in Dhallinyarada Somaliland isku xidhaan kanacaawiyaan dhinacyada Horumarinta Waxbarashada iyo Wacyigelinta Guud ee Dhallinyarada Somaliland.

Allah mahad leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *