Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL Mudane Boos Mire Maxamed ayaa ka qeyb galay dhalinyaro……

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL Mudane Boos Mire Maxamed ayaa ka qeyb galay dhalinyaro lagu Tabobaraayey Barashada dastuurka Somaliland oo ay Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha Qaranka iyo dastuurka uga waday Xaafada Sh.Nuur.

waxaana kulanka ka soo qayb galay Wasiirka Xidhiidhka goleyaasha Qaranka iyo Dastuurka, Gudoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeisa qaar ka Mid ah Shaqaale Weynaha Wasaarada ayaa Maanta usoo Xidhay Tabobar ku saabsanaa Fahanka Dastuurka kaasi oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL iyo Xarunka Akhriska iyo Qoraalka ee AL NUUR LIBRARY.

Munaasibadani oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ugu Horayn Waxa Madashani Ka Hadlay Gudoomiyaha Al Nuur Library isagoo sheegay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay xaruntani.

Dhinaca kale Waxa Munaasibadani ka hadlay qaar ka mid ah Masuuliyinta Xaafada Sh.Nuur oo soo dhaweeyey Tobabarada Caykani oo kale ah.

Sidoo kale Waxa iyaganu halkaasi ka Hadley Jaamac Muuse Jaamac Gudoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeisa iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Boos Mire oo ku amaanay Wasiir Maxamed Xaaji Aadan doorka ay ka qaadatay Wasaaraddiisu Wacyigelinta iyo Barashada Dastuurka ee Bulsho-weynta Somaliland.

Gebagebadii Waxa Madashani si Rasmi ah usoo Afmeeray Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL Mudane Maxamed Xaaji Aaden Cilmi oo Madashaasi ka Jeediyey Khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ugu horayntii waxa uu Wasiir Maxamed Xaaji Aaden Cilmi Mahadnaq u Jeediyey Dhalinyarada Al Nuur Library sidoo kalena Waxa uu Wasiirku u Hambalyeeyey Ardaydii loo soo xidhayey Tobabarkani.

Geesta Kale Wasiir Maxamed Xaaji Aaden Cilmi ayaa sheegay Muhiimada ay leedahay Barashada Dastuurka Qaranka JSL sidoo kalena ku booriyey dhamaan kasoo qayb galayaashi xafladani in ay muhiimad gaar ah siiyaan barashada Dastuurka JSL

Ugu dembayntiina Wasiir Maxamed Xaaji Aaden ayaa halkaasi ku gudoonsiiyey Shahaadooyin dhalinyaradii tobabarkani usoo dhamaaday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *