Wasiirka wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL Mudane Boos Mire Maxamed ayaa maanta wuxuu ka qeyb-galay xaflad lagu xusaayey maalinta caalamiga ah ee ka hortaga gudniinka hablaha.

Wasiirka wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL Mudane Boos Mire Maxamed ayaa maanta wuxuu ka qeyb-galay xaflad lagu xusaayey maalinta caalamiga ah ee ka hortaga gudniinka hablaha.waxaana soo qaban-qaabisey munaasibadaasi Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland.

HARGAYSA{MOYS} 09/02/2020.
Madashaasi waxaa kasoo qayb-galay xubno kamida golaha wasiirada Soomaliland oo ay ugu horeeyaan wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshada, wasiirka diinta iyo awqaafta wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo Arrimaha dastuurka Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, Gudoomiye ku xigeenka haayada xuquuqul insaanka qaranka iyo madax kale.

Xubno kamida haayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.
Madashan ayaa daaranay wacyi gelin iyo dhibaatada ay leedahay gudniinka hablaha.

ALLAA MAHAD LEH

Eng-xusri khadar Aw-dahir
Madaxa xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *