Ag/Guud Ee WDH&Ciyaaraha Maxamed Cabdilaahi Saed ayaa maanta ku dhawaaqay

Ag/Guud Ee WDH&Ciyaaraha Mudane. Maxamed Cabdilaahi Saed khaawi agaasimaha Waaxda ciyaaraha Ee WDH&Ciyaaraha JSL Maxamed Nuux Jibriil oo kaashanaaya Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay Tartanka Koobka kooxaha Heerka Koowaad #SONYOCUP2020

Waxaa maanta lagu dhawaaqay Tartanka kooxaha Heerka koowaad Ee magaalada Hargeysa oo la bilaabi doono Bisha March.munaasibadan ayaa waxaa kasoo Qeyb-galay Agaasimaha guud Ee WDH&Ciyaaraha Maxamed Cabdilaahi Saed khaawi Agaasimaha Waaxda ciyaaraha Ee WDH&Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil,Xoghayaha Kubadda Cagta JSL Samatar Maxamed Cabdilaahi,Gudoomiyaha Dallada Sonyo Cabdi-Casiis Maxamed Jaamac iyo Gudoomiyayaasha Kooxaha Heer Koowaad Ee Magaalada Hargeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *