Ag/Guud Ee WDH&Ciyaaraha Maxamed cabdilaahi Saed khaawi ayaa ka Qeyb-galay…..

HARGEYSA(MOYS)13-02-2020

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Mudane. Maxamed Cabdilaahi Saed Khaawi ayaa wuxuu xalay ka Qeyb-galay Xaflad lagu maamuusaayey Ciyaartoydii cuslaatay Ee ka ciyaari jirtey naadiyadda Heerarka kala duwan Ee Gobolka M/Jeex.

Waxaa sidoo kale madashaasi kasoo Qeyb-galay aqoonyahan, wax-garad,iyo dhalinyaro kala duwan oo hadda noqotay dhalinyaro cuslaatay oo ku ciyaarta garoomada rooga cagaaran ee ku yaala magaalada hargeysa.

Agaasimuhu wuxuu halkaasi ka dhawaajiyey inuu aad ugu faraxsan-yahay dhalinyaraddan iskood isu soo abaabushay ee samaystay xafladdan quruxda badan,runtiina ka wasaarad ahaan ay sharaf noo tahay inaanu kasoo Qeyb-galno.waxaa sidoo kale xusid mudan inay halkani iiga muuqdaan dhalinyaro magac weyn ku lahaa caasimadatan hargeysa..

Agaasimuhu isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay inaanu mar-walba garab taagannahay ka wasaarad ahaan dhalinyaradda reer somaliland meel kasta oo ay joogaan,runtiina wasaaraddu ay dadaalo ugu jirto sidii loo sii horumarin lahaa shaqada wasaaradu ay uqabato qarankeenan somaliland oo ah inay ka shaqayso horumarka dhalinyaradda Reer Somaliland.

Waxaa halkaasi iyaguna ka hadlay dhalinyaradda cuslaatay,Aqoonyahan iyo waxgaradba leh oo ku bogaadiyey wasaaradda Dhalinyaradda iyo ciyaaraha JSL wax-qabadka ballaadhan ee ay ka uqabatay dhinacyada kala duwan Ee ciyaaraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *