WDH&Ciyaaraha oo kaashanaysa XKCSL ayaa maanta ku dhawaaqay…….

HARGEYSA(MOYS)29-02-2020

⚽ RASMI: Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL oo kaashanaysa XKCSL ayaa soo Saaray Jadwalka Isku Aadka Kulamadda Tartanka SONYO Cup 2020, Billow ilaa Dhammaad ⚽

Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL oo kaashanaysa XKCSL ayaa Maanta si Rasmiya u soo saaray Jadwalka Isku Aadka Tartanka Naaddiyada Heerka Koowaad ee Caasimadda Hargeysa SONYO CUP 2020, kaas oo guud ahaanba kulamadda Tartanka bilow ilaa dhammaad ku cad yihiin.

Tartankan oo ka qabsoomi doona garoonka Hargeysa Stadium 3-da March 2020 oo ku beegan Maalinta Salaasadda ee toddobaadkan, ayaa socon doona muddo Bil ah iyada kulamadda ama ciyaaraha tartanku noqon doonaa 25 ciyaarood ama maalmood.

Tartankan oo loogu magac daray SONYO Cup 2020 ayaa waxaa iska kaashaday qabsoomiddiisa Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL ,XKCSL iyo Dallada Dhallinyarada heer qaran ee SONYO, waxaana si Toos ah looga daawan doona kulan kasta Telefishannada kala ah True Cable TV, Astaan Cable TV iyo HCTV.

Ugu dambeyntii, XKCSL wuxuu xaqiijinaya in Jadwalkani uu yahay midka saxda ah ee Tartanka SONYO Cup 2020 billow ilaa dhammaad, taas oo 12-ka naaddiba ay ku caddahay Taariikhda, Maalmaha iyo Naaddiyada ay wada ciyaari doonaan.

ALLAA MAHAD LEH

Eng-xusri khadar Aw-dahir
Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha Iyo Saxaafadda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *