Wasiirka WDH&Ciyaaraha ayaa maanta Tartanka naadiyada Heerka koowaad.

HARGEYSA(MOYS)03-03-2020

⚽ Tartanka Naaddiyada Heerka Koowaad Ee magaalada hargeysa ayaa maanta si habsami Leh uga bilaabmay garoonka weyn Ee hargeysa Stadium,tartankan ayaa loogu magac-daray Ururka Dallada Dhalinyaradda Ee Sonyo Cup XKCSL oo Tartanka Naaddiyada Heerka koowaad ee Caasimadda Hargeysa si Rasmiya u Bilaabay iyo Naaddiyadii wada Ciyaaray ⚽

XKCSL ayaa Maantai si rasmiya uga bilaabay garoonka Hargeysa Stadium tartanka kubadda cagta naaddiyada heerka Koowaad ee Caasimadda Hargeysa, kaas oo ay ka qeyb-galayaan 12-ka naaddi oo toban kamid ahi ka dhisan yihiin caasimadda Hargeysa 2-da kooxood Ee kalena ka kala socdaan Gobolka Borama iyo Gobolka Saaxil kuwaas oo ka diiwan-gashan XKCSL.

Tartankan oo ay iska kaashadeen XKCSL iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa sidoo kale waxaa iyaguna qeyb ka ah Dallada Dhalinyaradda Ee Sonyo, waxaana xafladdii furitaanka oo ka qabsoontay garoonka dhexdiisa ka soo qeyb-galay Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL,Gudoomiyaha XKCSL,Xoghayaha Guud ee XKCSL ,Gudoomiyaha Dallada Dhalinyaradda Ee Sonyo,agaasimaha Fulinta Ee Dallada Sonyo,Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maamulka iyo Macallimiinta naaddiyada ka qeyb-galaya tartanka iyo Marti-sharaf.

Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Mudane Boos Mire Maxamed ayaa ka Qeyb-galay Xafladda Furitaanka Tartanka Naadiyadda Heerka koowaad Ee magaalada hargeysa,tartankan ayaa uu wasiirku sheegay inay tahay mid kor loogu qaadayo tayada iyo kubad wanaaga ay leeyihiin ciyartooyda Reer Somaliland si loo helo ciyaartooyo dhisan oo matali kara Xulka Qaran-ka Somaliland.

Guud ahaanba Masuuliyiinta halka sarre ku xusan oo xafladda ka hadlay ayaa naddiyada ka qeyb-galaya tartanka kula dardaarmay inay akhlaaq wanaag iyo ciyaar qurux baddan soo ban-dhigaan, iyaga oo sidoo kalena Dallada Dhalinyaradda Ee Sonyo uga mahad-celiyay qeybta laxaadka leh ee ay ka qaateen tartankan sidoo kalena umahdnaqay warbaahinta kala duwan ee ay kamidka yihiin Astaan Cable TV iyo True cable.Tv.

Tartankan oo ka kooban 3 Group oo guud ahaanba ciyaaraha maalin kasta si toos ah looga daawan doonaa Astaan Cable TV True cable tv, ayaa waxaa kulankii furitaanka wada ciyaaray labadda naadi ee ku kala ciyaara D.H.Hargeysa iyo W.H.Maaliyadda oo ka wada tirsan Group A, waxaana 1:2 ay guushu ku raacday Naadiga W.H.Maaliyadda.

ALLAA MAHAD LEH

Eng-xusri khadar Aw-dahir
Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha Iyo Saxaafadda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *