Wasiirka WDH&Ciyaaraha ayaa ka Qeyb-galay Tartan Orod oo lagu Qabtay….

HARGEYSA(MOYS)13-03-2020

Waxa Maanta oo Jimce ah Ka qabsoomay Magaalada Hargeysa Tartanka Orodka loogu magac daray Hargeysa International half Maraton oo ay kasoo qayb galeen 9 dal oo lagu soo casuumay Tartankan Orodka ah sida: Ethiopiya, Djabouti, France, Maraykan, Spanish, Kenya, iyo dalal kale.

Waxaa kasoo Qeyb-galay munaasibadan Madax-weyne Ku-xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismacil Saylici,Wasiirka WDh&Ciyaaraha JSL Boos Mire Maxamed,Wasiirka Arimaha Gudaha JSL Axmed Cabdi Kaahin,wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka Iyo Arimaha Dastuurka
Maxamed Caaji Aadan Cilmi,Wasiirka Wasaaradda Shaqo-Gelinta Iyo Arimaha Bulshada Hinda Jaamac Xirsi Gaani,iyo weliba Guudoomiyaha Hay’adda Dhowrista Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf.

Orodkan waxa soo qaban qaabisay Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa Xidhiidhka ciyaaraha fudud ee somaliland. Gabagabadii waxa Abaalmarinadii gudoonsiiyey tartamayàsha guulaystay M/Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismacil Saylici iyo Wasiirka WDH&Ciyaaraha Mudane Boos Mire Maxamed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *