Wasiirka WDH&Ciyaaraha ayaa ka Qeyb-galay Xaflad….

HARGEYSA(MOYS)19-03-2020

Tanaad_Computer_Science_College oo dufcadii 1aad Shalay oo taarikhdu Tahay 18/3/2020 ka qabsoontay Hotel Guuled halkaas oo ay ku qalin jabiyeen arday kor u dhaafaysa 450 arday oo dhamaystay barashada culuumta Computerka halkaasna waxa kagala soo qayb galay madaxda dawlada ugu saraysa iyo madaxda xisbiyada mucaaridka oo ay ugu horeeyan..

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Science Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha,Gudoomiyaha Xisbiga Ucid,Wasiirkii hore Ee Qorshaynta Qaranka,Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare,Gudoomiye ku-xigeenka hay’adda Shaqaalaha,Agaasimaha Wakaaladda biyaha,Xoghayaha biyaha xisbiga waddan iyoi Xubin ka mida golaha dhexe ee xisbiga kulmiye .

Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Mudane Boos Mire Maxamed ayaa halkaasi ka sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin ka wasaarad ahaan dhalinyaro tiradoodu intaa le’eg tahay inay ka qalin jebiyaan Tanaad College,runtiina ay hormood u tahay dhinaca Waxbarashada collegeyada iyagoo soo saara arday Tayo LEH oo Qarankeena Somaliland Mustaqbalka dhow anfici doonta…….

Dhalinyaradda waxaanu ku boorinaynaa inay kor uqaadaan Waxbarashadooda, yaanay kaga hadhin markay jaamacadda gaadhaan oo ay sii wadaan aqoon kororsigooda taasoo anfici doonta naftooda iyo Dadkoodaba..

Waxaa halkaasi iyaguna ka hadlay madax kala duwan oo kasoo qeyb-gashay xafladaasi runtiina ku amaanay Tanaad College sida ay uga Qeyb qaadanayaan horumarka Ballaadhan Ee ka Socda dalkeena Somaliland……

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha Iyo Saxaafadda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *