Munaasibad lagu xusaayey xuska maalinta dhalinyaradda aduunka somaliland oo ay soo qaban qaabisay WDH&Ciyaaraha jsl ayaa lagu qabtay magaalada hargeysa..

Munaasibad lagu xusaayey xuska maalinta dhalinyaradda aduunka somaliland oo ay soo qaban qaabisay WDH&Ciyaaraha jsl oo kaashanaysa dallada dhalinyaradda ah ee Sonyo ururka Y-Peer iyo hay’adda Havoyoco ayaa lagu qabtay magaalada hargeysa……….

Munaasibadaasi ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka somaliland Craxmaan Ismail (Saylici), xubno kamida golaha wasiirada oo uu hogaaminaayey Wasiirka WDH&Ciyaaraha Jsl mudane boos mire ,xubno kamid ah agaasimayaal guud, madax iyo masuuliyiin ka kala socotay hay’adaha ayaa munaasibadan qaybta ka ahaa, haldoorka dhalinyarada iyo marti sharaf kale………..

Waxaa munaasibadaasi ugu horayn ka hadlay madaxweyne kuxigeenka jsl craxmaan saylici ayaa waxaa uu ka dhawaajiyey inay maalintani tahay maalin ku weyn dhalinyaradda somaliland, oo la doonaayo in la Barbar istaago qof walba oo hal-abuur la yimaada………….

Waxaa sidoo kale munaasibadaasi ka hadlay wasiirka WDH&Ciyaaraha jsl mudane boos mire oo ka dhawaajiyey inay dhalinyaradu noqdaan qaar wax barta markaasay heli karaan shaqo uqalanta wadankoodana ay wax kusoo kordhinkaraan……………

Madaxda kale ee ka soo qaybgashay ayaa iyaguna dardaaran usoo jeediyey dhalinyaradda somaliland, Kuna bogaadiyey sida hawlkarka leh ee ay ugu dadaalayaan inay wadankooda wax kusoo kordhiyaan……..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *