Wasiirka WDH&Ciyaaraha ayaa tacsi udiray…

==(( TACSI TIIRAANYO LEH ))==

انا لله وانا اليه راجعون.

كل نفس ذائقة الموت.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Mudane Yusuf Mire Maxamed Boos Waxaa uu Tacsi U dirayaa Qoyska, Eheladda, Qaraabadda, Asxaabta, Ciidanka Asluubta iyo Shacbigga Somaliland ka Tacsiyadeynaya ILAAHAY ha u Naxariistee Taliyihii Ku-xigeenkii Ciidanka Asluubta JSL Sarreeya Guuto Marxuum Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), oo Caawa ku Geeriyooday Cusbitaalka weyn ee Magaaladda Hargeysa.

Marxuumku wuxuu ahaa Sarkaal ka adag oo jecel Shaqadiisa, wuxuu ahaa Shakhsi ku Sifoobay Dedaal, Karti iyo Daacadnimmo uu Qarankiisa ugu soo shaqeeyay. Marxuumku wuxuu ahaa Shakhsi jeclaa Ciyaaraha oo dhiiri-geliya kaas oo inta baddana lagu Arki jiray isaga oo Garoomadda jooga oo Daawanaya ciyaaraha.

Marxuumku wuxuu Geeriyooday Maalmo kheyr leh ee ILAAHAY Naxariistiisa Janno ha ka waraabiyo, Innagana ha innagu suggo Sammir iyo Iimmaan Kaamila….Aammiin…Aammiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *